Raysalwasaare Xamse oo kulamo la qaatey Safiiro iyo saraakiisha ATMIS

Published: July 16, 2022

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Aar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley denjirayaasha dalalka Britian, Shiinaha iyo weliba Madaxda Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan iyo saraakiisha ATMIS.

Kulanka Safiirka Britian

Xamse Cabdi Barre ayaa kulankiisa kowaad la qaatey safiirka Dowaldda Britain u fadhida Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Xamse ayaa Kate kaa hadley dardargelinta mashaariicda hormarineed ee UK ka wado Soomaaliya kuwaas oo badankood ay ku egyihiin sanadkan 2022, sidoo kale waxa uu kala hadley arrimaha hor u tebinta leh ee ay u horeyso xaaladda abaaraha iyo midda bini’aadanimo ee dalka ka taagan.

KULANKA ATMIS

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Masuuliyiinta Midowga Afrika ayaa xog ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlgalka ciidamada ATMIS iyo wakhtiga kala guurka oo loo dejiyay in ay ciidanka Soomaaliyeed guud ahaan la wareegaan amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, isla markaana ay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba ay siineyso amniga iyo sidii waddanka nabad looga dhigi lahaa.

Kulanka Denjiraha Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ,oo maanta ku jirey qaabilaad kala duwan ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha

Raysalwasare Xamse ayaan weli soo dhisin Golihiisi wasiirada, shaqooyin badan ayaa weli u xaniban magacaabidda golaha xukuumadda, oo lagu wado in todobaadkan la soo dhiso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *