Raysalwasaare Xamse oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee amniga Africa Tana Forum

Published: October 15, 2022

Shir madaxeedkii amniga Afrika ee Tana Forum ayaa si rasmi ah uga fumrey magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya.

Waxaa madasha sare ee amniga Afrika ee Tana Forum ka qaybgalay Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka mudane Xamse Cabdi Barre oo khudbad taabanaysa xaaladda Soomaaliya halkaas ka jeediyey maanta oo Sabti ah.

Xamse Cabdi Barre oo khudbadiisa u doortey in uu ku jeediyo English ayaa si qoto dheer u qaadaa dhigey xaaladda dalka sida arrimaha amniga iyo musiibooyinka dabiiciga ah iyo waxa dalkiisu hiigsanaayo.

Si aan u dhisno adkeysi umaddeena iyo guud ahaan qaaraddeena, waa in aan la dagaalannaa laba arrimood oo muhiim ah kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan kara wax ka qabashada khatar kasta oo saameyn ku leh dadka, dhibaatooyinka dabiiciga ah ee abaaraha iyo amniga.

Raysalwasaaraha ayaa siiyey magac cusub hawlgalka beelaha koonfurtu uga soo horjeedaan al-Shabaab, waxaana uu ugu magacdarey Dulmi-diid, kaas oo dowladdu si wanaagsan u taageereyso.

Wuxuu sheegay in ay dejiyeen istaraatiijiyad cusub oo lagula dagaalamayo argagixisada, taas oo u qaybsan saddex qaybood;

  • dagaal toos ah oo dadka deegaanku ka qayb-qaadanayaan
  • la dagaalanka fikirka xagjirka ah iyada oo la soo bandhigayo sida ay diinta banaanka uga yihiin, iyo
  • in la jaro dhamaan waddooyinka ay dhaqaalaha ku heleyaan argagixisadu

Raysalwasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka xoreeyeen al-Shabaab hadda ilaa 150km oo iskweer ah, gobolada dhexe, isla markaana uu si wanaagsan u socdo hawlgalka DULMI-DIID.

Madasha Tana waxaa asaasey Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Malaz Zenawi, waxaana Guddoomiye u ah Madaxweynihii hore ee Neyjeeriya Olusegun Obasanjo. Kulankan ayaa ah kii 10aad ee madashu yeelato, waxaana sanadka aad u hooseeya ka soo qaybgalka madasha, waxaana inta badan madaxda Afrika meteleysey xubno kale oo ay soo dirsadeen.

Horseed Media