Raysulwasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay ka dib Safarkii Suudaan .

Published: August 8, 2018

 

Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib Booqasho ay ku tageen Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Ra`iisul wasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Suudaan wuxuu uu goob joog ka noqday saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin, iyadoo Ra`iiul wasaaraha uu ku amaanay dhinacyada heshiiska ku kala saxiixday tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumarka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go`antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed inay ka qayb ahaadaan.

Sidoo kale Ra`iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Suudaan uga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada ah ee ay la garab taagan yihiin weliba xili ay Umada Soomaaliyeed u baahnayd.

Mudane Xasan Cali Khayre oo sidoo kale booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta, wuxuuna u mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah ee ay siiso dowlada Suudaan ee aan walaalaha nahay , waxa uuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.

 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *