Raysulwasaare Xamse: Xukuummadda waxa ka go’an tayaynta Ciidanka Booliiska

Published: November 11, 2023

 Xamsa Cabdi Barre ayaa Xalay ka qayb galay munaasabad casho ah oo loo sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda ay dadaal dheeraad ah galinayso:

“Tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.”

Mudane Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hadda shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka taasina ka caawisay sugida amaanka.

Horseed Media