Ronaldo Oo Laga Helay COVID19

Published: October 13, 2020

Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijiyey in laga helay xanuunka Coronavirus, wuxuuna seegi doona kulanka UEFA Nations League oo uu xulkiisa qaranka Portugal la leeyahay dhiggiisa Sweden.

Bayaan ka soo baxay xiriirka kubada cagta Portugal ee FPF ayaa lagu xaqiijiyey in CR7 laga helay Korona Fayras isla markaana xulka laga fasaxay waxaana uu u dhignaa:

“Cristiano Ronaldo waxaa laga fasaxay shaqada xulka qaranka kaddib markii laga helay Korona Fayraska sidaas awgeed ma wjaihi doono xulka Sweden.

“Xiddiga reer Portugal aad ayuu u fiican yahay, wax calaamo ah kama muuqdaan, wuxuuna ku jiraa karantiil.

“Kaddib markii Cristiano Ronaldo laga helay, waxaa iyagana baaris cusub lagu sameeyay ciyaartoyda kale saaka oo Talaado ahayd, mana jiraan xiddigo kale oo laga helay, iyagoo diyaar u ah tababarka galabta ee macallin Fernando Santos.

Ronaldo ayaa sidoo kale seegi kara kulammada kooxdiisa Juventus wajahayso Crotone iyo Hellas Verona ee horyaalka Serie A & kulanka ay Kooxda Dynamo Kyiv ku wajahayaan tartanka Champions League.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *