Roobab iyo Dabaylo Go’doon ka Dhigay Gobolka Gardafuu

Published: November 24, 2019

Roobab xoog leh oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaanada Puntland ayaa gooyay wadooyinkii loo mari jiray gobolka Gardafuu, waxaana uu gobolku galay xaalada godoon ah.

Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Qaylo oo ka soo jeeda gobolka Gardafuu ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaaladda Garoowe waxaa uu sheegay inay go’een dhammaan wadooyinki geli jiray gobolkaasi, gaar ahaan wadada lafagoroyo oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka.

“ Saacadan aan idiinla hadlo meel loo maro gobolka Gardafuu ma jirto, Wadada lafa-goray oo buur korkeeda ah oo loo mari jiray gobolka Gardafuu ay labo meeleed  ay ka go’antahay, wadadii xoogaad ay iyaduna sidoo kale  waa go’an tahay, marinka dhinaca badda la mari karo oo dabaylo ayaa ka dhacaya” sidaas waxaa yiri xildhibaan Qaylo

Wuxuu ugu baaqay xukuumadda Puntland, Hay’adaha Caalamiga ah in loo gurmado shacabka gobolka Gardafuu, waxaa kaloo uu ugu baaqay Hay’ada wadooyinka Puntland ee PHA inay kaalintooda iyo waajibkooda gutaan sidi wadooyinkii dib loogu hagaajin lahaa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *