Rooble: ” Gaabis ayaa ka muuqda habka ay ku socdaan doorashooyinka”

Published: December 20, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa sheegay in uu gaabis wali ku jiro habka ay doorashooyinka u socdaan.

Rooble ayaa ku baaqay in la dar-dargaliyo doorashooyinka isagoona faray xubnaha Maamul Goboleedyada in ay soo dadajiyaan doorashada si dalka uu u helo isbadal.

Waxa uu tilmaamay in uu hakad ku jiro dhaq- dhaqayadii ganacsiga iyo waliba  masharicdii lagu caawin jiray dalka gaabiska ka jira arrimaha doorashooyinka awgeed,waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhanka kale hadlay Abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka waxa  uu sheegay in xaalad adag ay jirto,isagoona Guud ahaan Shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay Abaartu sameeysay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *