Rooble iyo Safiirka Mareykanka oo kormeeray goobta loo qorsheeyay doorashada Madaxda dalka

Published: March 10, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa si wadajir ah u kormeeray hoolka teendhada Afisyooni ee loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada madaxtinimo ee dalka.

Kormeerka dhinactadaasi ayaa la xiriiray dib u eegidda dhismaha hoolka doorashada iyo dhameystirka tas-hiilaadka uu u baahan yahay.

Dhowaan ayaa la filayaa in hoolka teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha JFS, iyadoo lagu jiro gabagabada xulista xildhibaannada Golaha Shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *