Rooble oo Danjire Madiera kala hadlay kaalinta AMISOM ee sugidda amniga

Published: March 24, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera ayaa kala hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ka dib falalkii argagixiso ee shalay oo ah kuwo lagu carqaladeynayo doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo sugidda amniga goobaha doorashooyinka si loo dhameystiro Xildhibaannada haray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *