Rooble Oo Fal Argagaxiso Ku Tilmaamay Buuqii Baarlamaanka

Published: April 18, 2022

Raysal wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fal aragagixiso ku tilmaamay buuqii maanta ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska raysalwasaare Rooble ayaa lagu sheegay falkaasi inuu ahaa mid la doonayey in lagu carqaladeeyo kulankii xildhibaanada labada aqal ee ay ku go’aaminayeen doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

” Raysal Wasaaraha Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah. Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.”

Qoraalkii Xafiiska Raysalwasaaraha

Dhanka kale, ururka Alshabaab ayaa sheegtay tiro hoobiyayaal ah oo maanta lagu tuuray xarunta baarlamaanka ee villa Hargeysa, xili uu socday kulanka xildhibaanada labada aqal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *