Rooble oo guddiga doorashada heer Federaal kala hadlay jadwalka dhaarinta Baarlamaanka cusub

Published: March 19, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf oo uu kala hadlay hirgalinta jadwalka shahaaddo siinta & dhaarinta xildhibaannada ee guddigu shaaciyay iyo dhammeystirka doorashada xildhibannada harsan.

Illaa iyo hada waxaa dhiman doorashada 33 xildhibaan oo laga soo doorto Hirshabelle iyo Jubbaland kuwaasi oo dhawaan la filayo in la dhameystiro.

Guddiga heer federaal ayaa jadwalka ay todobaadkan shaaciyeen ku sheegay in ay qorsheenayaan 14ka bisha April in la dhameystiro dhaarinta Xildhibaanada cusub ee labada Aqalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *