Rooble oo guddiyada doorashooyinka uga mahadceliyay habkii ay u maareeyeen kuraasta Banaadiriga

Published: March 1, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaannada golaha Shacabka ee Banaadiriga ee dhawaan la doortay iyo guddiyada doorashooyinka SIEIT Banaadiriga, heer Federaal iyo xallinta khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada doorahsooyinka heer Federaal, SIEIT Banaadiriga iyo Xallinta Khilaafaadka uga mahadceliyay habkii ay u maareeyeen doorashada kuraasta Banaadiriga ee dhawaan la soo gebogebeeyay qabsoomida doorashadooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *