Rooble oo isku xirey dikii Sarkaaladii Ikraan Tahliil ee NISA iyo Xildhibaanad Aamina Maxamed

Published: March 30, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka hadlay munaasabad loogu baroor diiqayo Xil Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii ku dhintey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne bilowgii todobaadkii hore, Rooble ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in gacanta dishey Xil. Aamina inay aheyd gacantii ka dambeysay Ikraan Tahliil, isaga oo aan keenin wax caddeyn ah.

Waxaan ballan ku qaadey in kiiska Ikraan Tahliil aan god u galayo haddii ay igu gaarsiiso, welina balantii waa ku taaganahay dad badan ayaa igaga baxay balantaas waa la siyaasadeeyay arrinta ma ahayn ujeedkeena Farmaajo laakiin waxaan dooneynay in raggii falkaas ka danbeeyey in aan Maxkamad horkeeno.

raysalwasaare Rooble

Raysalwasaaraha oo sii faahfaahinaya dilka Xil. Aamina ayaa sheegay in fariimo loo soo direy dilka gabadhaas wax yar ka hor, waana hayaa ayuu yiri, sidoo kale waxa uu sheegay in ninkii isku qarxiyey beledweyne meel fog laga keenay oo la garaanaayo qofkii keenay, laakiin Raysalwasaaruhu wax caddeyn ah ma keenin.

Ikraan Tahliil ayaa ahayd gabadh u shaqeyneysey hay’adda NISA taas oo la waayey sanadkii 2021, waxaana mar danbe NISA sheegtey in al-Shabaab ay afduubteen oo dileen, taas oo ehelkoodu aysan ku qancin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *