Rooble oo kormeeray xarunta ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Published: October 31, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye si uu ugu kuurgalo u diyaar garowga doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Dugsiga Booliiska ee General Kaahiye, iyadoo diiwaangelinta Ergada at ka socoto magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *