Rooble, Qoor-qoor Iyo Guudlaawe Oo La Kulmay Safiirka Maraykanka

Published: June 13, 2021

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka Raysal Wasaare Rooble iyo Yamamoto ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya ee heshiiska laga gaaray, sidii loo fulin lahaa qodobada heshiiska iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Raysal Wasaaraha ayaa lagu xusay in kulanka inta uu socday sidoo kale lagu soo hadal qaaday arrimaha bani’aadminimada ee dalka ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa goor dambe ku biiray kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Donald Yamamoto.

Si kastaba shalay ayey aheyd markii sidaan oo kale Wakiilka Qaramada Midoobay uu kulan ula qaatay Raysal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, isagoona kala hadlay fulinta heshiiska doorashada dalka ka dhaceysa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *