Russia & China oo ka aamusay u codeynta Cunaqabateynta hubka Soomaaliya

Published: November 13, 2020

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib-u-cusbooneysiiyey cunaqabateyntii hubka ee saaran dalka Soomaaliya, golaha ayaa sidoo kale soo saaray qaraar ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Codeyntii golaha Amaanka u qaaday Cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayey taageereen 13 wadan iyadoo oo ay ka aamuseen dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Golaha Amaanka ayaa ugu baaqay dowlada Federaalka inay wax ka qabato illaha dhaqaalaha ee kooxda Al Shabaab oo la sheegay inay sanadkii lasoo dhaafay lacag gaareysa 21 milyan oo dollar ka heleen gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in dalka Soomaaliya la keeno qalabka ay kooxda Al Shabaab u adeegsadaan qaraxyadooda.

Dalka China oo u codeyntan ka aamusay ayaa sheegay in ay dhankooda soo gudbiyeen talooyin la xariira qaabka ugu wanaagsan ee loo qaadi karo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, balse soojeedintooda aan la qaadan.

In markale dib loo cusbooneysiiyo Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku guuleysan weyday inay xakameyso hubka kooban ee gacanteeda soogala.

Dowlada Federaalka oo si kumeel gaar ah loogu ogolaaday hubka fudud ee lagu qalabeenayo militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in qaar kamid ah hubkaasi ka baxay gacantooda.

Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa iyagu kamid ah wadamada inta badan soo jeediya in la qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya si ay u helaan qandaraasyada iibka hubka.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *