Ruusha iyo Shiinaha oo qaraar cusub horgeynaya UN-ka

Published: December 17, 2019

Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa  diyaarineya qarar ay horgeyneyaa Golaha Aamanka ee Qaramada Midoobey, kaasi oo sheegeya in cunaqabateynta laga khafiifiyo Kuuriyada Waqooyi ama dib loo eego xaalada uu jiro dalkaasi.

Qorshaha ay wataan Labadan dal ayaa waxaa ay diblamaasiyiin badan u arkaan in tani ay muujineyso in Beyonyang aaney kaligeed meel cidla aan taaganey.

Dalalka qaraarkan hor boodeya ayaa ku dooday in haddii uu Mareykanku uu qaadi waayo cuna qabateynada saaran Kuuriyada Waqooyi ama xitaa ugu yaraan uu khafiifin, ay dhici karto in Kuuriyada Waqooyi ay sii kordhinayso tijaabinta gantaalada casriga, taas oo xaalka ay geyn karto meel aan laga soocelin karin.

Diblamaasi sare oo Mareykan ah ayaa u sheegey wakaalada wararka Reuters in Washinton hadda aaney diyaar u ahayn, in lafududeeyo cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi islamarkaana aaney ogolaadonin Qaraarka ay gadaal kariixayaan saaxiibada Biyongyang.

Danjiraha Ruushka u jooga Golaha Amaanka  Nebenzia Vassily ayaa isana Reuters u sheegey in u jeed kooda uu yahay in xaalka Kuuriyada Waqooyin uusan faraha kabixin, haddii Mareykanku uu fududeeyo cuna qabateynta, taasi waxaa ay fureysaa albaabkale oo lagu yareynkaro dhibaatada, ayuu yiri Safiirka Raashiya u jooga Qaramada midoobey.

Qaraarkaan ayaa Golaha la horgeyneyaa maanta oo Talaado ah waxaa uuna ubaahanaan doona 15 cod 9 kamid ah,

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *