Ruushka iyo Eritrea oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo colaadda Ukraine

Published: January 27, 2023

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada Asmara.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobada ay kamid yihiin kor u qaadista xariirka labo geesoodka ah ee Eritrea & Russia, gaar ahaana iskaashiga tamarta, Macdanta, technology, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay Dhaqdhaqaaqa dagaalka Ukraine ee u dhaxeeya Reer Galbeedka iyo Ruushka.

Madaxweyne Afwerki iyo Wasiir Lavrov ayaa sidoo kale kulankooda kaga wada hadlay isbedelada Geeska Afrika.

Horseed Media