Ruushka oo dagaal adag kula jira duulaanka weyn ay Ukraine gudaha ugu gashay dalkaas

Published: August 10, 2024

Ruushka ayaa maanta oo Sabti ah sii wada hawlgalka ay kula dagaalamayaan kumanaan ciidamada Ukraine ah oo 20km gudaha u galay gobalka Kursk ee koonfurta Ruushka, kadib weerarkii ugu weynaa ee Ukraine ay ku qaado dhulka Ruushka ah tan iyo bilowgii dagaalka 2022.

Ciidamada Ukraine ayaa subaxnimadii hore ee Salaasada ka soo gudbay xuduudka Ruushka, waxaana ay ka gudbeen qaybo kamid ah Galbeedka gobolka Kursk, weerarkan lama filaanka ah ayaa lagu soo beegay xili la hadal hayo in laga yaabo in labada dal wadahadallada xabbad-joojinta ay u bilowdaan ka dib doorashada Maraykanka.

UKraine ayaa la rumeysan yahay inay dar-dar gelisay weeraradan iyadoo ka cabsi qabta hadii doorashada Mareykanka uu kusoo baxo Donald Trump murashaxa xisbiga Jamhuuriga uu hoos u dhigi doono taageeradii ay ka heli jireen dalkaasi, isla markaana ku khasbi doonta wadahadal ay la galaan Ruushka.

Ruushku wuxuu ku soo rogay xaalada deg deg ah saddex gobol oo xuduudda maanta oo Sabti ah, halka dalka Belarus ee Ruushka xulafada ah uu sheegay inuu iska caabiyey waxa ay ugu yeeray weerar weyn oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga Ukraine.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa weerarka Ukraine ku tilmaamay daandaansi weyn, inkastoo Jeneraalka ugu sarreeya Ruushka, Valery Gerasimov, uu Arbacadii sheegay in weerarka Ukraine la jabiyey, haddana Ruushku ilaa hadda wuu ku guuldareystay inuu dib ugu riixo ciidammada Ukraine ee ku sugan xadka.

Horseed Media