Ruushka oo duqeeyey Saldhig ay ku Sugnaayeen ciidamo shisheeye dalka Ukraine

Published: March 13, 2022

Ruushka ayaa maanta oo Axad ah duqeyn la beegsaday Saldhig militari oo ku yaal deegaanka  Yavoriv ee galbeedka dalka Ukraine una dhaw xaduuda wadanka Poland.

Xaruntan ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen dad shisheeye oo ah reer Galbeedka u tagay dalkaasi inay gacanta siiyaan ciidamada Ukraine.

Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha gobalkaasi ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay duqeyntan loo adeegsaday gantaalada, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.

Saldhiga la duqeeyey oo ku yaal goob 11km u jirta xaduuda dalka Poland ayaa waxaa horey tababaro ugu bixin jiray saraakiisha NATO kahor intuusan qarxin dagaalkan u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Quursiga Ruushka iyo Ukraine
    Inkastoo marki u horeysay wada-halka u dalbaday Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, kadibna u la qaatay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ilaa iyo hadda waxaa dhacay afar kulan oo uu dhexeya labada waxaana ugu dameeyay kii maanta dhacay, saddexdi kulan ee hore waxaana kala hoggaaminayey labada dhinac Gacan yaraha Madaxweynaha Ruushka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, saddexdi kulan oo hore kama soo bixin wax najiito ah oo la sheego, marka laga reebo xabad joojin meel gaar ah laga laga sameeyay weliba ay codsatay Ukraine, si ay dadka rayidka ah ee ku go’donsan Magaalooynika qaarkood lugu sameeyo jid bin-aadnimo oo ay uga baxaan ama lagu gaarsiiyo caawimada ay u baahan yahiin, waxaana xusid mudan in xabad joojinti lagu dhawaaqay aysan si shaqaynin sidi dhacday hadda ka hor iyadoo labada dhinacba u midba midkale ku eedeyay inuu jabiyey isgau xabad joojinti lagu ballaamay.
    Marka fiiriyo qodobada u Ruushku miiska la soo fariistay oo aan ahayn wax macquul ah ama dal madaxbannaan qaadan karo tusaale, Ruushku wuxuu Ukraine ka doonaya inay u saxiixdo in Jasiiradda Crimea uu Ruushku leeyahay, in labada Gobol ee kala ah Luhansk iyo Donetsk aysan ka tirsanayn dalka Ukraine sidookale ay yahiin labo Jamhuuraddood oo madaxbannaan in Ukraine aysan weligeed ka mid noqon Ururka NATO oo ay ku bahobeen dalka Mareykanka iyo inta badan dalalka Midowga Reer Yurub islamarkaana ay dhexdhexaad ka noqoto Ruushka iyo Reer Galbeedka hadda wixi ka dameeya iyo inay gabi ahaanba ka tanaasulaysa riyadeed ahayd inay xubin ka noqoto NATO iyo Midowga Yuruba.
    Iyadoo wada-halki socdo waxaan marna istaagin ama hakad gelin duqeynti Ciidanka Ruushku ku hayeen dalka Ukraine gaar ahaan Magaalooynin muhiimka ah ee Caasimaddu ugu horeyso, waxaana ku xusid mudan in Ruushku aad u burburyey kaabayaashi Ciidan,dhaqaale iyo mid bulshaba ee dalkaas, waxaana iska cad in Ruushku uusan xeerin sharciga Caalamiga ee dagaalka iyo mid bin-aadnimo isaga oo aan kala socayn Rayid iyo Ciidan marka eego goobaha la barttilmaansaday waxaana lagu qiyaas dadka ka qaxay Ukraine oo galay dalalka deriska la ah ilaa 2.6 Qof inta dhimatay ama ku dhaawacantay waxay gaarayaan kumanaan burburka hanti lama soo koobi karo, shalay ayey ahayd marki Madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Ciidankiisa laga dilay 1,300 oo Askari waxaana ku dhaawacay in ka badan 3,500 oo Askari.
    Hadaba waxay ahayd caadiyan in inta wada-hadalku intu socdo uu Ruusku joojiyo wareerka iyo Duqeynta u ka wado guadaha dalka Ukraine sida la arki jiray, balse wada-hadalka uu Ruushku la wado Ukraine ayaa la oran karaa waa mid aan miro dhal ahan oo waqti lumis iyo quursi ka muuqdo marka loo eego hadlada bahdilka ah ee ka soo yeeraya Moscow, xujooyinka ad adag ee Ruushku wato iyo duqeynta aan loo aabe yeelin ee si socota waxaan la dhihi kara Ruushku waa Quursaday dalka yar ee ay deriska yahiin ee Ukraine marna ka tirsanaan jirtay Midowgii Sovietga.

    Falaanqeeye/ Boos Muuse Boos