Ruushka oo duqeymo la beegsaday kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda Ukraine ee Kyiv

Published: January 2, 2023

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ayaa maanta duqeymo la beegsaday kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda Ukraine ee Kyiv iyo goobaha ku xeeran.

Gantaalada ayaa waxyeelleeyay xarumaha tamarta waxa ayna sababeen koranto la’aan, sida ay sheegeen saraakiishu, markii uu Ruushku ballaariyay duqeymihiisi oo la gaaray maalinta labaad ee 2023.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in hannaankii difaaca cirka ay burburiyeen dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ee Shahed ee Russia 39 ee Iran lagu sameeyay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin khudbad culus jeediyay Sanadka Cusub, ayaa waxa uu tilmaamay inaysan jirin cid lagala wareegay weerarkii uu ku soo qaaday Ukraine.

Horseed Media