Ruushka oo duqeyn xoogan ka geystay Kharkiv, Ukraine

Published: April 6, 2024

Laba weerar oo uu Ruushku ku qaaday magaalada Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, ayaa waxaa ku dhintay sideed qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 10 qof oo kale subaxnimadii hore ee Sabtidii iyo galabta, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Booliiska Ukraine ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka mas’uuliyiinta gobolka ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay adeegsadeen gantaallo.

Kharkiv, oo ku taal waqooyi bari ee Ukraine, ayaa si joogta ah u ahayd bartilmaameedka Ruushka, iyadoo weerarada ay sii kordhayaan toddobaadyadii la soo dhaafay. Arbacadii, weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday magaalada ayaa waxaa ku dhintay afar qof, waxaana burbur xooggan soo gaaray guryo dabaqyo ah.

Horseed Media