Ruushka oo duqeyn xooggan la beegsaday xarun tareeno oo ku taal Ukraine

Published: August 25, 2022
Shares58

Weerar loo adeegsaday gantaalo oo uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, ayaa lagu dilay ugu yaraan 22 qof oo rayid ah.

Duqeyntan ayaa ka dhacday magaalada ku taal bariga Ukraine ee Chaplyne, sida uu Arbacadii shalay xaqiijiyey Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Tiradda dhimashada ayaa la filayaa inay sare u kacdo iyadoo sidoo kale gebi ahaan gubtay tareen goobtaasi ku sugnaa, waxaana weli socda hawlgala gurmadka sida uu hogaamiyaha Ukraine u shaqeegay Qaramada Midoobay.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xili Ukraine u dabaaldegayso xuska maalinta xoriyadda.

Ruushka ayaan weli ka hadlin weerarkan lagu eedeeyey, walow ay horey u sheegeen inaysan si ulla kac ah u beegsan goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah.

Maraykanka ayaa falkan si weyn u cambaareeyey.

Gantaalka Ruushku ku garaacay goob tareenada laga raaco oo ku taal Ukraine oo ay ka buuxaan dad rayid ah waa danbi dagaal oo ay caado ka dhigteen. Waxaan sii wadi doonnaa, annagoo kaashanayna saaxiibada caalamka, si aan u garab istaagno Ukraine oo aan u raadinno la xisaabtanka Ruushka,” ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *