Ruushka oo hub casri ah ku wareejiyey Siiriya iyo Walaaca Israel & Maraykanka

Published: September 25, 2018

Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ruushka ayaa shaacisay in labada todobaad ee soo socda ay ku wareejin doonto ciidamada dalka Siiriya hubka casriga ah ee lidka diyaaradaha, tilaabadan oo jawaab u ah shilkii todobaadkii hore lagu soo riday diyaarad uu leeyahay militariga Ruushka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey diyaarada sirdoonka militariga Ruushka leeyahay lagu soo riday hawada dalka Siiriya kadib markii ay ku dhaceen hubka lidka diyaaradaha ciidamada Siiriya oo iska difaacayey diyaaradaha Israel oo isniintii hore weeraray dalka Siiriya.

Militariga Ruushka ayaa ku eedeeyey diyaaradaha Israel inay gabaad ka dhigteen diyaaradooda taasina keentay in lidka diyaarada Siiriya uu ku dhaco diyaaradooda oo hawada ku burburtay, waxaana ku dhintay 15 askari ee saarnaa.

Ruushka ayaa hada sheegay inay ku wareejin doonaan militariga Siiriya hubka casriga ah ee lidka diyaaradaha oo loo yaqaan S-300. Waxaa xusid mudan in hubkan horey qorshaha u ahaa in la geeyo dalka Siiriya sanadkii 2013, balse Ruushka ayaa joojiyey inay hubkan siiyaan Bashar Al Assad kadib markii codsiyo badan uga yimid Maamulka Israel.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ka codsaday Ruushka inaysan hubkan siin Siiriya, maadaama hubkan uu khatar ku yahay diyaaradahooda oo in ka badan 100 jeer weeraray dalka Siiriya intuu wadankaasi ku jiray dagaalka Sokeeye.

Hubkan lagu wado in todobaadyada soo socda ay helaan ciidamada Siiriya ayaa ah mid tiiradiisa gaari karto illaa 200km, isla markaana hal mar wada duqeyn kara dhowr jiho oo laga soo weeraro hawada, waxayna meesha ka saareysaa fursadihii badnaa oo ay Israel u heysatay inay dhanka cirka ka weerarto dalka Siiriya.

Maraykanka ayaa isaguna walaac ka muujiyey go` aanka Ruushka hubka ku geenayo Siiriya, John Bolton oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Maraykanka ee Amniga ayaa sheegay in hubkan oo loo gacan geliyo Siiriya aysan khatar ku ahayn Israel oo kaliya balse uu sidoo kale uu khatar ku yahay dhamaan dalalka deriska la ah iyo kuwa kale oo uu Maraykanka kamid yahay ee sida joogtada ah u isticmaala hawada Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *