Ruushka oo jabsaday Computer-da Wasaaradaha Maraykanka?

Published: December 14, 2020

Koox (Hackers) ah oo la rumeysan yahay inay u shaqeenayaan dowlada Ruushka ayaa la sheegay inay jabsadeen qeybo kamid ah xogta ku jirta kaydka computerada Wasaaradaha Maaliyada, Ganacsiga iyo Maamulka Isgaarsiinta ee Maraykanka.

Kooxdan ayaa la rumeysan yahay inay si farsameysan u jabiyeen barnaamijyada ay isticmaalaan qalabka wasaaradahaasi oo ay soo saarto shirkada lagu magacaabo SolarWinds oo xarunteedu tahay gobalka Texas. Shirkadan ayaa sheegtay in ay jirto in la jabsaday (Software) ay ku shaqeeyaan.

Barnaamijka Software-ka Computerada oo ay soo saarto shirkada Solarwinds ayey isticmaalaan shirkadaha ugu waaweyn ee wadanka Maraykanka oo ay ku jiraan 10-ka shirkadooda ee isgaarsiinta ugu waaweyn.

Macaamiisha shirkadaasi ayey ku jiraan Taliska Militariga Maraykanka, Hay’ada Sirdoonka, Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyada (Aqalka Cad).

Kooxdan wax jabsatay ayaa sidan oo kale u weeraray shirkad kale oo lagu magacaabo FireEye oo u qaabilsan dhanka illaalinta internetka oo ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn iyo qaar kamid ah Hay’adaha dowlada  Maraykanka.

Dowlada Maraykanka ayaan weli faah faahin ka bixin heerka uu gaarsiisan yahay weerarkan dhanka internetka ah oo hada la sheegay inay baarayso hay’ada FBI-da.

Hase yeeshee xog laga helayo shaqaalaha shirkada Microsoft ayaa sheegay in kooxdan ay sidoo kale jabsadeen barnaamijka Microsoft Office 365 oo ay shaqaalaha dowlada Isticmaalaan iyagoo waxayna gacanta ku dhigeen emailada shaqaalaha dowlada.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *