Ruushka oo khasab ka dhigey in lacagta Rubiga ay Gaaska uga iibsadaan dalalka shisheeye

Published: March 31, 2022

Madaxweynaha Ruushanka Vladamir Putin ayaa saxiixey digree dhigaya laga bilaabo maalinta berri ah ee 01 Abril 2022 in Ruushku ku iibinaayo Gaaska lacagtooda Rubiga ee hoos u dhacaysey muddooyinkii danbe, tan ayaa jawaab u ah cuno-qabateynta la saarey Ruushka kadib dagaalkii ay ku qadeen dalka deriska la ah ee Ukraine. Putin oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in heshiisyada Gaaska laga joojin doono cidii aan fulin in ay lacagta Rubiga ku iibsato.

Vladamir Putin ayaa sheegay in cunno qabateynta reer galbeedku ku soo rogeen dalkiisa, ay horey uga gaashaanteen oo u diyaar-garoobeen, “…..dagaalka dhaqaaluhu waxa u bilowdey mar hore ayuu yiri Putin….”. Reer galbeedka ayuu sheegay hadda in ay isku dayayaan in ay helaan sababo kale oo ay xanibaad u soo rogaan.

Madaxweynaha Ruushanka ayaa sheegay cidda keliya ee qalalaasahan ka faa’ideysatey in ay tahay Dowladda Maraykanka, taas oo ku xalisa dhibaatooyinka dalkeeda ka jira, sidoo kale wuxuu sheegay in Gaaska dareeraha ah ee maraakiibta lagu qaado haddii Maraykanku u soo daldalo Yurub, ay noqon donto in shaqooyin badan oo Yurub ah la waayi doono taasna caqabad ku noqon doono dalal badan oo Midowga Yurub ku jira.

Gaaska Ruushka waxaa si weyn ugu xiran dalal badan oo Yurub ah sida Jarmalka oo haddii uu jaro dhaqaalihiisu hoos u dhacayo.

In lacagta Rubiga lagu iibsado gaaska ayaa jawaab u ah dalalka reer galbeedka, waxaana ay kor u qaadeysaa baahida lacagta Rubiga.

Dagaalka saddexaad ee dunida ayaa weli u muuqda mid Dhaqaale.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *