Ruushka ayaa Axaddii sheegay in Maraykanku uu mas’uul ka ahaa weerar ay Ukraine ku qaadday Jasiiradda…
Ruushka ayaa Axaddii sheegay in Maraykanku uu mas’uul ka ahaa weerar ay Ukraine ku qaadday Jasiiradda Crimea ee uu Ruushku la wareegay, iyadoo lagu weeraray shan gantaal oo uu Maraykanku keenay, kaasoo ay ku dhinteen afar qof oo ay ku jiraan laba carruur ah, 151 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in afar ka mid ah gantaallada uu Maraykanku soo dhiibay ay soo rideen difaaca hawada, halka gantaalka shanaadna uu hawada ku qaraxay.
Maamulka uu Ruushku ee Crimea ayaa sheegay in jajabkii gantaallada ay ku dhaceen wax yar kadib meel u dhow xeebta dhinaca waqooyi ee magaalada Sevastopol halkaas oo dadka deegaanku ay u dalxiis tagaan.
Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay; in militariga Mareykanka ay dejiyeen isku xirka iyo hagida duullimaadyada gantaallada iyadoo lagu saleynayo xogta laga helay satalaytka basaaska ee Mareykanka, taasoo la micno ah in Washington ay si toos ah mas’uul uga tahay duqeyntan.
Maraykanka ayaa horaantii sanadkan bilaabay in uu Ukraine siiyo gantaalada riddada dheer ee ATACMS, kuwaas oo gaara masaafo dhan 300km (186-mile).
Ruushka ayaa jasiirada Crimea oo horey uga tirsaneyd Ukraine la wareegay sanadkii 2014-kii, wuxuuna hadda u arkaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkooda, inkastoo inta badan dunidu ay u aragto inay weli ka tirsan tahay Ukraine.
Horseed Media