Ruushka oo saacado u qabtay shacabka inay isaga baxaan Kiyeef, Ukraine

Published: March 7, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa saaka oo Isniin ah sheegay inay xabada joojinayaan si ay fursad usiiyaan inay shacabka reer Ukraine isaga baxaan magaalooyinka; Kiyeef (Kyiv), Kharkiv, Mariupol iyo Sumy.

Magaalada Mariupol ee ku taal xeebta koonfureed ayey shalay markii labaad guuldareysteen dadaalkii shacabka magaaladaasi looga saari lahaa kadib markii ay jabtay xabad joojintii ay ku dhawaaqeen Ruushka iyo Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan hawlgalka ay gudaha ugu galayaan caasimada Ukraine ee Kiyeef arrintaan oo sare u qaaday tirada dadka maanta isaga qaxaya magaaladaasi, waxaana sidoo kale la filayaa in Ruushka uu dardar gelin doono duqeynta magaalooyinka waaweyn.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *