Ruushka oo sare u qaadaya tiradda ciidamadiisa militariga

Published: August 26, 2022
Shares916

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in sare loo qaadayo tiradda askarta militariga Ruushka oo hada ah 137-kun waxaana laga dhigayaa, 1.15 milyan oo askari.

Qorshahan ayaa lagu wadaa inuu bilowdo sanadka soo socda 2023.

Putin ayaa horey u sheegay in dagaalka ka socda Ukraine uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan dalalka reer Galbeedka, sare u qaadista tirada askarta Ruushka ayaa sidoo kale ah mid la doonayo in Ruushka uga gaashaanto khasaaraha uga imaankara hadii uu sii daba-dheeraado dagaalka ka socda Ukraine.

Wareegtada la soo saaray Khamiistii shalay ayaa sare u qaadi doonta tirada guud ee ciidamada Qalabka sida ee Ruushka oo la gaarsiin doono 2,039,758, oo ay ku jiraan 1,150,628 askarta militariga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *