Ruushka oo Soomaaliya ka cafinaya  dayn ka badan $684-Million

Published: July 27, 2023

Kulan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Timur Igorevich Maksimov ayey ku kala  saxeexdeen heshiis dawladda Ruushka kaga cafinayso  lacag ka badan $684-Million oo ay dowladda Soomaaliya ku lahayd.

Heshiiskan ay kala saxeexdeen labada dhinac ayaa ka dhacay magaaladda Saint Petersburg iyadoo u lafdhabar u noqon doono heshiiskan dhammaystirka geediga dayn cafiska Soomaaliya oo ay muddo dheer dadaal ugu jirta JFS.

Magaalada Saint Petersburg ayaa lagu waddaa inuu ka furmo maanta shir waynaha Afrika iyo Ruushka oo ay uga qeyb galayaan wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska dayn cafinta ah Labada dal.