Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Moscow aysan arkin qodobbada heshiis xabbad-joojin ah oo lagu qaboojinayo dagaalka Ukraine.
Lavrov wuxuu sheegay maanta oo Khamiis ah – in xabbad joojintu aysan waxba u horseedi doonin, iyo in Moscow ay ka shakisan tahay in reer galbeedku u adeegsan doonaan xabbad-joojin jilicsan si ay dib ugu soo celiyaan Ukraine.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Ruushku uu doonayo in heshiis sharci ah la gaaro si loo helo nabad waarta oo dammaanad qaadaysa amniga Ruushka iyo dalalka deriska la ah.
“Waxaan u baahanahay heshiisyo sharci oo kama dambays ah oo dejinaya dhammaan shuruudaha si loo sugo ammaanka Ruushka, iyo dabcan danaha amniga ee sharciga ah ee deriskayaga,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in Moscow ay rabto in ay diyaariso dukumentiyada sharciga ah si loo hubiyo oo aan loogu xadgudbin heshiisyadan.
Waxaa xusid mudan in Ruushku uu bilaabay dagaalka 24-kii February 2022, markaasoo uu weerar ballaaran ku qaaday dhulka Ukraine.
Horseed Media