Ciidamada Ruushka ayaa sii wada weerarada ay ku qaadayaan meel u dhow magaalada Pokrovsk ee dalka Ukraine, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan dhanka koonfurta, ayna jaraan wadooyinka saadka u ah ciidamada Ukraine, sida uu sheegay militariga Ukraine Sabtidii.
Qabsashada jidka iyo xudunta tareenada ee gobolka Donetsk ee bari waxay dhibaato weyn ku abuuri kartaa ciidamada Ukraine ee ku sugan jihada bari waxayna sidoo kale u ogolaan kartaa Ruushka inuu xoojiyo oo uu hore ugu sii socdo dhanka galbeed.
Viktor Trehubov, afhayeenka kooxda Khortytsia ee Ukraine ayaa u sheegay telefishinka qaranka Ukraine ” jihada Pokrovsk ayaa weli ah midda ugu kulul, halkaasna Ruushku waxay weerareen 34 jeer (24-kii saac ee la soo dhaafay) waxayna isku dayeen inay jabiyaan difaacyadayada koonfurta Pokrovsk.”
Magaaladan ay hoyga u tahay miinada oo ah meesha kaliya ee bixisa coking dhuxusha ee warshadaynta birta ee Ukraine, waxaa ku noolaa dagaalka kahor dad gaaraya 60,000 oo qof. Ukraine waxay ku qiyaastay in ku dhawaad 11,000 oo ka mid ah ay ku hareen magaalada.
Trehubov waxa uu sheegay in ciidamada Ruushku ay isku dayayeen in ay xidhaan waddooyinka saadka iyaga oo kooxo yar oo askar ah u diraya deegaamada koonfurta Pokrovsk.
Horseed Media