Ruushka oo weeraray UKRAINE

Published: February 24, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa bilaabay duulaankii lafilayey asbuucyadii lasoo dhaafay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlayo magaalooyinka saaran xaduuda u dhaxeysa labada dal.

Duulaankan ayaa daba socda go’aankii Isniintii uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku aqoonsaday inay dalal madax-banaan yihiin isla markaana ciidamadiisa amar ku siisay inay gudaha ugalaan dhulkaasi ku yaal bariga-Ukraine.

Waxaa la xiray duulimaadka hawada dalka Ukraine iyo Galbeedka Ruushka, xili Madaxweyne Putin uu saaka ku dhawaaqay hawlgalka militari ee deegaanka Donbas.

Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale dhulka Ukraine kasoo galay Galbeedka dhinaca xaduuda dalka Belarus taasi oo aan ka fogeyn caasimada Ukraine arrintan oo muujineysa in hawlgalkan uusan ahayn mid ku kooban oo kaliya gobalada bari ee la isku heystay.

Gantaalo ayaa la sheegay inay sidoo kale ku dhaceen xarumaha militariga ee ku yaal caasimada Kiev.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo bogiisa Facebook live kasoo galay ayaa shacabkiisa ugu baaqay inay isdajiyaan oo ay dowladiisa iyo ciidamada wadaan difaaca dalka.

Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa bogiisa Twitter ku shaaciyey in khasaaraha dagaalkan uu qaadi doono Ruushka oo dulaankan bilaabay, wuxuuna sheegay in Beesha Caalamka la doonayo in si mideysan uga jawaabaan falkan Putin ku dhaqaaqay.

Putin oo saaka xili hore warbaahinta la hadlay ayaa uga digay dowladaha kale inay faraha lasoo galaan dagaalkan isagoo ugu baaqay ciidamada Ukraine inay hubka dhigaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *