Ruushka wuu isticmaali karaa hubka nukliyeerka haddii jiritaankiisa uu khatar galo: Afhayeenka Putin

Published: March 23, 2022

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruushku uu leeyahay ‘Sharci amniga gudaha’ kaas oo qeexaya marka hubka nukliyeerka la isticmaali karo.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Ruushka uu kaliya isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii jiritaankiisa la halis galiyo.

Hadalka Peskov ayaa yimid xili uu wareysi siinayey telefishinka CNN oo lagu weydiiyey inuu “ku kalsoon yahay” in Madaxweyne Vladimir Putin uusan u isticmaali doonin hubka nukliyeerka dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *