Ruushka oo wata madaxyada gantaalaha Nuukliyeerka oo dhoolatus ka sameeyey xudduuda Ukraine

Published: June 13, 2024

Dhoolatuska Ruushka ee hubka nukliyeerka ayaa ka bilowday xudduuda Ukraine, waxaana ujeedkiisu yahay in la gaarsiiyo madaxyada hubka nukliyeerka ah goobaha kayda ciidamada iyo garoomada diyaaradeed ee guutooyinka gantaalaha.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa amray dhoolatuska Nukliyeerka ka dib markii ay hanjabaado digniino ku jiraan ka yimaadeen saraakiisha reer galbeedka oo sheegaya in ay u ogolaan doonaan Ukraine in ay kusii garaacdo Ruushka hubka reer galbeedka.

Dhoolatusyo ayaa ka dhacay koonfurta Ruushka, oo xuduud la leh Ukraine, waxaana ka qayb qaatay askar ka tirsan ciidamada degmada Leningrad ee waqooyi-galbeed ee Ruushka, waxaana ka mid ah gantaalada wareegta, ciidamada cirka iyo ciidamada badda.

Agaasinka nukliyeerka “wuxuu xaqiijiyay gaarsiinta hubka tababbarka nukliyeerka ee goobaha lagu keydiyo ee aagga booska guutada gantaalaha iyo hawlgalka hawada ee duulista weerarada,” ayaa lagu yiri.

Horseed Media