RW Khayre oo Sheegay In Bangiga Adduunku uu 45 Milayn Siiyay Somaliya

Published: March 6, 2020

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay munaasabadda ka dhacday villasomaliya ayaa sheegay in bangiga adduunku wuu Somaliya ugu deeqay lacag dhan 45 Milyan doolar oo lagu shubay Bangiga Adduunka.

Wuxuu sheegay in lacagta loo adeegsan doono dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada .

Wuxuu sheegay in labo sanno ka hor xukuumadiisa ay bulshada Somaliyeed u ballanqaaday in dalku geli doono xili barwaaqo, waxaa la haatan waxaa bilaabatay buu yiri barwaaqadii ee la sugayay.

Dowladda Federaalka S ayaa sheegtay in Bangiga adduunku uu ku dhawaaqay in Somaliya bixisay lacagihii Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ay ku laheed Soomaaliya si loo dhameystiro soo celinta xiriirka caadiga ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka.

Dowladda federaalku waxay sheegtay in dowladda Norway ka bixisay $365.9 million oo doolar oo dayn ah si Soomaaliya uga gudubto buundadaan, sidookale waxaa qeyb ka ahaa deymaha laga bixiyay Somaliya Hey’adda lacagta Aduunka (IMF) iyo Bangiga Horumarinta  Afrika.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *