RW Rooble Oo Hambalyo U Diray Senatorada Cusub Ee Lagu Doortay Puntland

Published: August 11, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday baarlamaanka Puntland oo lagu dooranayey senatorada aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Raysal Wasaare Rooble oo qoraal soo saaray ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeeyey bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare ee Baarlamaanka.

“ Waxaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay. Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay ”

Raysalwasaare Rooble

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu doortay 11-ka senator ee Puntland ku matelaya golaha Aqalka Sare, waxaana doorashada dhacday ay aheyd mid inta badan xubnahii la tartamayey musharaxiinta ay tanaasuleen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *