RW Rooble Oo Ka Qaybgalay Tacsida Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya

Published: March 17, 2021

Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Rooble ayaa saxiixay buugga tacsida, isagoo la kulmay qoyska iyo qaraabada marxuumka, guddigii tacsida  iyo odayaasha dhaqanka ee ka shaqeynayay tacsida marxuum Cali Mahdi.

“Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh  marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore. Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo”

Maxamed Xuseen Rooble

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *