RW Rooble oo ka qeybgalay soo xiritaanka doorashooyinkii xildhibaanada Gobalada Waqooyi

Published: February 21, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *