RW Rooble Oo La Kulmay Madaxda Dowlada Goboleedyada Qaar

Published: May 20, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kahor furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Maanta oo khamiis ahayd ayaa lagu wadey inuu furmo shirka, balse waxaa la sugayey madaxda Puntland iyo Hirshabeelle oo ka maqnaa Muqdisho, waxaana la filayaa inuu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu berri halkaasi gaaro.

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya ee uu ku baaqay raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ayey rajo wanaagsan ka muujiyeen saaxiibada beesha caalamka, iyagoo ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu sii amba-qaadi karo geedi socodka doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *