RW Xamsa: Ciidamada waa in ay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka Daadadka

Published: November 11, 2023

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed codsanayaan in wax laga qabto saameeynta daadadka.

Wuxuu sheegay inay shacabka codsanayaan in wax laga qabto daadadka xiray wadooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale in waddooyinka laga qaado dhagaxyada lagu jaray oo dhibaatada qeyb ka ah.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobabka muhiigaanka ah ee dalka ka da’ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan nus milyan.

Wuxuu amray ciidamada ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka in ay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka.

Horseed Media