RW Xamsa oo kormeer ku tagay degmada Afmadow

Published: November 30, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo ku jooga deegaannada Jubbaland, isaga oo bilowga todobaadkaan gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Inta uu Ra’iisul Wasaaraha joogay magaalada Kismaayo waxa uu xariga ka jaray Wasaaradda Caafimaddka Dowlad Gobaleedka Jubbaland, isaga oo dhagax dhigay waddo laami ah, sidoo kale waxaa booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee magaalada.