RW Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Al-Suudaani

Published: July 6, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, ayaa Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa kamid ah;
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi,
Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige,
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi,
Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Horseed Media