RW Xamsa oo kulan la yeeshay madax ka tirsan Jubbaland

Published: November 20, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmooyinka iyo waxgaradka deegaanka.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo, ooh adda wajahaya xaaladda adag, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabkii ka da’ay dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u balan qaaday bulshada ku dhaqan gobolka Gedo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uga dhaqsiyaah badan dib ugu dhiseyso qaar ka mid ah Buundooyinka ku burburay Roobabkii ka da’ay gobolka.

Kulanka uu la yeeshay madaxda dowlad gobaleedka, kan gobolka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka.