RW Xamsa: Soomaalidu waa in ay isku timaaddo Somaliland-na waannu raadinaynaa!

Published: March 6, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Somaliland ay dowlad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ay u tahay muhiimad weyn.

Wuxuuna intaa raaciyay in heshiis beenaadkii Itoobiya ay ahayd nasiib darro la doonayay in lagu kala fogeeyo laguna carqaladeeya isu soo dhowaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaamiyayaasha Soomaaliland ugu baaqay inay kasoo laabtaan is-afgarad beenaadkii ay la galeen Itoobiya, kuna soo laabtaan qadka saxda ah, wuxuuna intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay weli gacanteeda fidsan tahay, isagoo ku baaqay in lasii amba qaado wadahadakii billowday si aynu isu qancinna.

“Soomaalidu waa in ay isku timaaddo, Somaliland waannu raadinaynaa, dowladda Soomaaliya gacanteedu waa ay furan tayay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayay madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee maxadka cilmi barista Heritage ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay muujiyeen dulqaad, isagoo tusaale usoo qaatay sida ay Soomaaliya u wanaajisay xiriirka ay wiiqday Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya is-xakameysay oo aysan dalka ka saarin ciidamada Itoobiya, safaaradooda iyo waliba duulimaadyada shirkadahooda, balse wuxuu sheegay in dowlada aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo madax-banaanida dalka.