RW Xamse Cabdi Barre oo sheegay in loo aar-gudi doonno dadkii lagu laayey weeraradii Isgoyska Soobbe

Published: October 31, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa Isbitaalada Madiina, Banaadir iyo Erdogan (Ex Digfeer) ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ka dhacay Isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay yaallaan dhaawacyada ayaa Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo.

Ra’iisal Wasaaraha oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaalada uu booqday ayaa ku ammaanay dhakhaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa caddeeyay in Dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidina u tureyn.

Ra’iisUl Wasaare Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Al-shabaab.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay u aargudi doonto dadkii lagu laayey weeraradi argagixiso ee Sabtidi lagu qaaday magaalada Muqdisho. Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ayaa ku yaboohay boqollaal kun oo dollar oo lagu taageerayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Horseed Media