RW Xamse oo uga jawaabay bulshada Kismaayo su’aalo la xiriira qorshaha Xukuumadda

Published: November 30, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, ciribtirka Khawaarijta, gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, Khawaarijta la ciribtiro iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad.