Saciid Ateeno " Khayraadkii Wadanka oo la baabi'inayo isha kama daawan karno"

Published: January 20, 2020

Gudoomiyaha Degmada Bandar-Bayla oo Maanta Magaalada Qardho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in burcad-badeedii ay isu bedeshay Jariiflayaal xaalufiyay Khayraadkii badda, waxa uu walaac xoog leh ka muujiyay waxa ka socda Badwaynta Hindiya oo uu tilmaamey in la geliyay qalab mamnuuc ka ah Caalamka in lagu kaluumaysto.

” Badii waa la baabi’iyay, waxaa la geliyay boqolaal qalab ah oo aduunka laga mamnuucay, kuwaas oo laga keenay Dalka Cumaan, Burcad-badeedii laga sifeeyay waddanka waxay isu bedeleen kuwa ilaaliya doonyaha badda jariifaya” ayuu yiri Saciid Ateeno.

Sidoo kale waxa Ciidamada Booliska Puntland iyo Wasaarada Amnigga ku dhaliilay in ay wax ka qaban-waayeen cabasho tiro dhawr jeer uu la waddaagy oo la xiriirtay in ciidamada la geeyo deegaanada xeebaha ah ee ku teedsan Bandar-Bayla si wax looga qabto xaalada adag ee taagan.

Waxa uu sheegay in kaluumaystadii Maxaligga ahayd ay suuqla’aan heshay, Sidoo kalena ay cabsi darteed baddii ka kaluumaysan waayee. Ugu danbayn waxa uu dawlada ugu baaqaay in aan la daawan khayraadkii dalka oo la dabar-jarayo.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *