Saciid Deni oo sheegay balanqaad uu ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh

Published: June 4, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Sacid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu balan-qaad u sameeyay Maamul goboleedyada.

Madaxweyne Deni oo la hadlay wargeyska the Economist ayaa sheegay in madaxweynaha uu u balanqaaday in uu xukunka la wadaagi doono islamrkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal ah.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa si faahfaahsan u sharaxin waxa uu kawado xukun la wadaagista uu madaxweynaha u balanqaaday.

Balse waxaa la aminsanayahay in ay tahay ka tashiga aayaha masiiriga ah ee dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Balanqaad maahee xasan Sheikh wuu ku khasbanyahay inuu talada dalka lawadaago maamulada dalka oo iyagu ah huwa dalka oo dhan ka arimiya marka laga reebo Villa wardhiigley. Xasan Sheikh miyir miyirkiisa waa qabaa