Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wadahadaladii ay kula jirtay Israa’iil

Published: October 14, 2023

Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadalladii xiriir rasmi ah oo ay yeeshaan Israa’iil, xili uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

“Sacuudi Carabiya waxay go’aansatay in ay hakiso ka doodista xiriir ay la yeelato Israa’iil, waxayna ku wargelisay saraakiisha Mareykanka oo labada dhinac dhex dhexaadinayey,” siduu sheegay sarkaal la hadlay wakaalada AFP.

Sacuudi Carabiya waligeed ma aqoonsan Israel, kuma aysan biirin heshiiskii 2020-kii ee Mareykanka uu dhexdhexaadinayey Israa’iil iyo deriskooda khaliijka Bahrain iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco oo xiriir rasmi ah la sameeyeen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaas oo kale.

Intii uu xukunka hayay dhaxal sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salma, Riyadh waxay dejisay shuruudo ay ku jiraan dammaanad qaadka amniga ee Mareykanka iyo caawinta horumarinta barnaamijka tamarta nukliyeerka.

Horseed Media